Sida aan wada ognahay dhammaanteen hadii aan dhalinyaro nahay habeenkii xilli hore ma seexanno oo waan dhafarnaa ilaa aan mararka qaar aan gaarno labada habeennimo iyo ka gadaal, ujeedka dhafarkaas wuu kala duwanaan karaa laakiin inta badan ma ahan mid faa'ido leh. Waxaan si joogta ah habeen walba u dhax dabaalanaa muujadaha kala duwan ee baraha ay bulshadu ku kulanto, annaga oo waqtiga intiisa badan ku bixino sheekooyin aan dhammaad lahayn isla markaasna aan muhiim ahayn iyo siyaasad madhalays ah. Hadaba hadii aan dib u milic sano noloshii suubanaha nabad iyo naxariis kor kiisa ha ahaatee waxaan arkaynaa inuu ahaa mid neceb cishaha ka hor in la seexdo, sidoo kalana wuxuu ahaa mid neceb in cishaha kadib la sheekeeyo, sida kusoo aroortay xadiis uu wariyey Abii Barzah Al-Aslami Alle haka raali noqdee. عَنْ أَبِي بَرْزَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يَكْرَهُ النَّوْمَ قَبْلَ الْعِشَاءِ ، وَالْحَدِيثَ بَعْدَهَا. متفق عليه Ugu ...