
Marka aad aragto qof aan wax baran oo danta iyo duruufaha nololeed ee ku xeeran owgeed fursad u heli waayey inuu wax barto, adigana aad tahay qof wax bartay oo fursadaas helay, ma dhahdaa Alxamdulillah oo ma dareentaa inaad nicma wayn haysato dad badan oo maanta dunida ku noolna ay jeclaan lahaayeen inay mar un helaan?.
Marka aad gurigaaga ka baxdo adiga oo caafimaad qaba magaalkana aad kula kulanto dad badan oo xanuunsanaya oo la dhibaataysan xanuunada noocyadooda kala duwan (Waalli, Macaan, Dhiigkar, iwm), ma dareentaa nicmada caafimaad ee aad haysato mana tiraahdaa Alxamdulillah?.
Marka aad aragto dhalin yaro badan oo asaagaa ah oo lagu imtixaanay dhaqamo aan wanaagsanayn sida: Salaad La'aanta, Balwadda, Sinada, Tuugnimada, iyo Caasi Waalidnimada. Alle ma u mahadnaqdaa oo ma tiraahdaa Alxamdulillah Ilaahow adigaa iga bad baadiyey dhaqamadaas aan wanaagsanayn?. Mise waxad u haysataa awoodaada, caqligaaga, iyo aqoontaada inaad uga bad baaday?.
Marka aad aragto qof gaajo iyo wax la'aan ay danta ku kaliftay inuu dawarsado oo dadka tuugsado, adigana aad saddaxda waqti si fiican wax u cunto, ma dareentaa nimcadaas oo maka mahadcelisaa?.
Dhammaan nimcooyinkaas aan kor ku soo sheegay iyo kuwa kale oo badanba Alle wuu noogu deeqay si uu u ogaado inaan ka mahadcelinno iyo inkale, dadka aan la siininna macnaheedu ma ahan inuu u awoodi waayey ama naga jecel yahay!
Waxaa haboon inaan mar walba Alle u mahadcelinno carabkana aan ku badinno erayga ALXAMDULILLAAH.
Sidoo kalana waxaa fiican sida sunadda nabiga naxariis iyo nabad galyo dushiisa ha ahaatee ayna farayso in marka uu qofku arko qof kale oo dhibaataysan uu aqristo ducadaan:
"الحمد لله الذي عافاني مما ابتلاك به، وفضلني علي كثير ممن خلق تفضيلا"
"Waxaa mahad leh allihii iga caafiyay waxa uu kugu ibtileeyay, igana fadilay (doortay) kuwo badan oo uunkiisa kamid ah"
Alle hanaga dhigo kuwa mar walba u mahadceliya, nimcooyinka aan hadda haysanana hanoo siyaadiyo, inta aan haysanna ha siiyo.
Thanks libaax
ReplyDelete