Skip to main content

FADLIGA MAALINKA JIMCAHA


Maalinta jimcaha ah waa maalin barakaysan oo kulansatay wax yaabo badan oo wanaag ah, waa ciidda isbuuca, waa maalin ay qoraxi soo baxdo maalinta ugu fadliga badan, waa maalintii la abuuray nabi Aadam, waana maalintii jannada la galiyey, intaas waxaa sii dheer camalka la sameeyo maalintaas waxa uu ka ajar badan yahay kan la sameeyo maalmaha kale. 

Nasiib xumo maalinta sidaas u wayn inteena badan waxa aan u aragnaa inay tahay maalin hurdo iyo nasiino, halka dadkii wanaagsanaa ay u arki jireen inay tahay fursad dahabi ah oo mudan in laga faa'idaysto. 

Haddaba waa maxay sunnooyinkii Nabiga ka sugnaaday ee uu maalintaas samayn jiray? 

Haddii aan uguda galo sunnooyinkii laga soo wariyey suubanaha ee maalinta jimcaha uu samayn jiray waxaa ka mid ah: 

1- Salligiisa oo la badiyo

Ayada oo la ogsoon yahay inay fiican tahay in mar walba labadiyo salliga Nabiga haddana maalinta jimcaha iyo habeenkeeda kuma sii jirto oo waxaa kusoo arooray fadli gooni ah, sida ku cad xadiis uu wariyey Anas Alle haka raali noqdee kaas oo Nabigu naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee uu yiri "Badiya salligayga maalinta jimcaha ah iyo habeenkeeda, qofkii hal mar igu salliyana Alle ayaa toban jeer ku sallinaya"

عَنْ أَنَسٍ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أَكْثِرُوا الصَّلَاةَ عَلَيَّ يَوْمَ الْجُمُعَةِ وَلَيْلَةَ الْجُمُعَةِ؛ فَمَنْ صَلَّى عَلَيَّ صَلَاةً صَلَّى الله عَلَيْهِ عَشْرًا»

2- Suuratul Kahfi oo la aqriyo

Waxaa ka mid ah sunnooyinka nabiga ka sugan ee jimcaha la sameeyo aqrinta suuratul Kahfi, qofka aqriyo tobanka aayadood ee ugu danbeeya suuratul Kahfi waa laga ilaaliyaa Dajaal iyo fitnadiisa, sidoo kale qofkii aqriyo suuradaas maalinta jumcaha ah waxaa loo iftiimiyaa nuur ilaa laga gaaro jimcaha kale.

عن أبي الدرداء قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: "مَنْ قَرَأَ الْعَشْر الْأَوَاخِر مِنْ سُورَة الْكَهْف عُصِمَ مِنْ فِتْنَة الدَّجَّال".

عن أبي سَعيدٍ الخُدريِّ عنِ النبيِّ صلَّى اللهُ عليه وسلَّم أنَّه قال: «مَن قَرَأَ سورةَ الكَهفِ يومَ الجُمُعةِ أضاءَ له من النورِ ما بَينَ الجُمُعتينِ».

3- Masjidka oo loo dhaqsado

Maalinta jumcada masjidka oo xilli hore la aado iyo salaadda jumcaha oo loo dhaqsado waa sunno wayn oo dhaxdeena ku dayacan, dhalin yaro hadii aan nahay anigaba aan ugu horeeyee wuu yar yahay qof masjidka u dhaqsada, inteeena badan waxaan aadnaa masjidka qudbada oo bilaabatay ama bilaaban rabta!.

Suubanaha waxa uu noo sheegay Alle haka raali noqdee "Qofka qubaysta maalinta jimcaha ah qubayska janaabada oo kale ee kadibna aada masjidka saacadda koowaad waxa uu la mid yahay sida qof sadaqaystay neef geel ah, qofkii aada masjidka saacadda labaad waxa uu la mid yahay sida qof neef lo' ah sadaqaystay, qofkii saacadda sadaxaad aadan waxa uu la mid yahay qof sadaqaystay wan geesa leh, qofka saacadda afaraad aadana waxa uu la mid yahay qof hal xabo oo digaag ah sadaqaystay, saacadda shanaadna qofkii aada masjidka waxa uu la mid yahay qof sadaqaystay hal xabo oo ukun ah.

عن أبي هُرَيرَةَ رَضِيَ اللهُ عنه، أنَّ رسولَ اللهِ صلَّى اللهُ عليه وسلَّم قال: 《مَن اغتَسَلَ يومَ الجُمُعةِ غُسلَ الجَنابةِ، ثم راحَ في السَّاعةِ الأُولى، فكأنَّما قرَّب بَدنةً، ومَن راحَ في السَّاعةِ الثانيةِ، فكأنَّما قرَّبَ بقرةً، ومَن راح في السَّاعةِ الثالثة، فكأنَّما قرَّبَ كبشًا أقرنَ، ومَن راحَ في السَّاعةِ الرابعة، فكأنَّما قرَّبَ دَجاجةً، ومَن راح في السَّاعةِ الخامسةِ، فكأنَّما قرَّب بيضةً، فإذا خرَج الإمامُ حضرتِ الملائكةُ يَستمِعونَ الذِّكرَ》

Waxaa kale oo ka mid ah sunnooyinka waa wayn ee maalintaas la sameeyo ducada oo la badiyo iyo raadinta saacad ka mid ah saacadaha maalintaas oo ducada la aqbalo (ساعة الإجابة), waxaana loo badiyaa inay saacadaasi ku jirto inta u dhaxayso salaadda casir iyo salaadda maqrib ee jimcaha.

Waxaan naftayda gaabiska badan iyo tiinaba ku baraarujinayaa inaan ka faa'idaysanno wanaagga ka buuxa maalintaas barakaysan oo aan nafta iyo shaydaanba ka adkaanno si aan u gaarno raali ahaansho rabbi wanaagana aan ugu dadaalno!


Comments

Popular posts from this blog

Diintu waa nasteexo!

Wanaagga oo la is faro iyo xumaanta oo la iska reebo waa wax fiican, waana waajib la rabo qof  walba oo muslim ah inuu la yimaado. Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaga oo isleh xumaan reeba ama wanaag sheega ayay wax badan halaynayaan, waxay arkayaan qof ay wax ka qaldan yihiin ayaga oo awoodi kara inay si hoose wax ugu sheegaan ayaa comment inta loo soo galo loo qorayaa qoraallo aan wanaagsanayn oo qofkii xumaanta inuu kusii dhiirado u horseedaya. Waxaa iswaydiin mudan hadalada nuucaas ah qofka wax maku qaadanayaa mise madax adeeg iyo xumaan ayuu kasii qaadayaa? Dadka nuucaas ah ma wanaag bay gudbiyeen mise xumaan bay xumaan kusii daraan? Nabi Muuse markii fircoon loo diray dardaarankii la siiyey waxaa ka mid ahaa marka uu fircoon utago inuu ku yiraahdo hadal qaboow oo jilicsan, laga yaabo inuu waantoobo oo uu cabso. Waxa la leeyahay hadalka haloo jilciyo oo tartiib wax haloogu sheego waa fircoon oo aan ognahay gaalnimo iyo kibir heerka uu ka gaaray, Allana wuu ogaa inuus...

DHAFARKA IYO DHIBAATOOYINKIISA

Sida aan wada ognahay dhammaanteen hadii aan dhalinyaro nahay habeenkii xilli hore ma seexanno oo waan dhafarnaa ilaa aan mararka qaar aan gaarno labada habeennimo iyo ka gadaal, ujeedka dhafarkaas wuu kala duwanaan karaa laakiin inta badan ma ahan mid faa'ido leh.  Waxaan si joogta ah habeen walba u dhax dabaalanaa muujadaha kala duwan ee baraha ay bulshadu ku kulanto, annaga oo waqtiga intiisa badan ku bixino sheekooyin aan dhammaad lahayn isla markaasna aan muhiim ahayn iyo siyaasad madhalays ah.  Hadaba hadii aan dib u milic sano noloshii suubanaha nabad iyo naxariis kor kiisa ha ahaatee waxaan arkaynaa inuu ahaa mid neceb cishaha ka hor in la seexdo, sidoo kalana wuxuu ahaa mid neceb in cishaha kadib la sheekeeyo, sida kusoo aroortay xadiis uu wariyey Abii Barzah Al-Aslami Alle haka raali noqdee.  عَنْ أَبِي بَرْزَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يَكْرَهُ النَّوْمَ قَبْلَ الْعِشَاءِ ، وَالْحَدِيثَ بَعْدَهَا. متفق عليه Ugu ...