Skip to main content

Posts

Showing posts from February, 2022

BOOQASHADA QUBUURAHA

Hadii aan nahay ilmo nabi Aadam hilmaamka iyo ilowshiyaha waa wax nagu beeran oo waan kawada siman nahay sida quraanka iyo sunnadaba ku cad, sidoo kale mooganaanta ama qaflada ayadana waa astaan kale oo uu bani Aadamku ku sifaysan yahay.  Waxaa marar badan dhacda in aan ka waycanno ujeedka iyo yoolka saxda ah ee naloo abuuray anaga oo ku mashquulna aduun iyo dhaldhalaalkiisa.  Waxaa jira wax yaaba badan oo qofku inuu sameeyo ay wanaagsan tahay si mooganaantaas uuu uga baxo  sida inuu quraanka aqriyo iyo inuu xaadiro meelaha xuska alle lagu haayo sida masaajidda iyo goobaha la midka ah, sidoo kale waxaa ka mid ah wax yaabaha saamaynta leh ee la rabo inuu qofku sameeyo qubuuraha oo lasoo siyaarto iyo aakhiro oo lasoo xasuusto.  Qofka marka uu qubuuraha soo siyaarto oo uu naftiisa uga waramo xaqiiqooyinka dhabta ah ee sugaya waxaa sahlanaanayso inuu dib isugu laabto oo uu naftiisa xisaabiyo si waxa ka qaldanna uu u saxo wanaagana uu ugu dadaalo. Qabrigu waa meel in laso...