Skip to main content

BOOQASHADA QUBUURAHA


Hadii aan nahay ilmo nabi Aadam hilmaamka iyo ilowshiyaha waa wax nagu beeran oo waan kawada siman nahay sida quraanka iyo sunnadaba ku cad, sidoo kale mooganaanta ama qaflada ayadana waa astaan kale oo uu bani Aadamku ku sifaysan yahay. 

Waxaa marar badan dhacda in aan ka waycanno ujeedka iyo yoolka saxda ah ee naloo abuuray anaga oo ku mashquulna aduun iyo dhaldhalaalkiisa. 

Waxaa jira wax yaaba badan oo qofku inuu sameeyo ay wanaagsan tahay si mooganaantaas uuu uga baxo  sida inuu quraanka aqriyo iyo inuu xaadiro meelaha xuska alle lagu haayo sida masaajidda iyo goobaha la midka ah, sidoo kale waxaa ka mid ah wax yaabaha saamaynta leh ee la rabo inuu qofku sameeyo qubuuraha oo lasoo siyaarto iyo aakhiro oo lasoo xasuusto. 

Qofka marka uu qubuuraha soo siyaarto oo uu naftiisa uga waramo xaqiiqooyinka dhabta ah ee sugaya waxaa sahlanaanayso inuu dib isugu laabto oo uu naftiisa xisaabiyo si waxa ka qaldanna uu u saxo wanaagana uu ugu dadaalo. Qabrigu waa meel in lasoo siyaarto mudan, waa meel aan la hurayn oo qof walba oo naga mid ah uu gali doono, waa gurigeena dhabta ah, waa meel qofkii dhibkeeda iyo imtixaankeeda ka badbaadaa uu liibaanay. 

Waxaa sunnadii nabiga naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee ka mid ahayd dadkana uu faray inay sameeyaan in lasoo siyaarto qubuuraha si loo soo xasuusto aakhiro!  

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم "‏زوروا القبور فإِنها تذكركم الآخرة"‏

Abii hurayra waxaa laga wariyey inuu rasuulku naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee uu yiri "Qubuuraha booqda aakhiro ayeey idiin xasuusinayaan". 

Gabagabadii qofkii awooda oo waqti u heli kara inuu sameeyo camalkaas wanaagsan ha sameeyo. 



Comments

Popular posts from this blog

Diintu waa nasteexo!

Wanaagga oo la is faro iyo xumaanta oo la iska reebo waa wax fiican, waana waajib la rabo qof  walba oo muslim ah inuu la yimaado. Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaga oo isleh xumaan reeba ama wanaag sheega ayay wax badan halaynayaan, waxay arkayaan qof ay wax ka qaldan yihiin ayaga oo awoodi kara inay si hoose wax ugu sheegaan ayaa comment inta loo soo galo loo qorayaa qoraallo aan wanaagsanayn oo qofkii xumaanta inuu kusii dhiirado u horseedaya. Waxaa iswaydiin mudan hadalada nuucaas ah qofka wax maku qaadanayaa mise madax adeeg iyo xumaan ayuu kasii qaadayaa? Dadka nuucaas ah ma wanaag bay gudbiyeen mise xumaan bay xumaan kusii daraan? Nabi Muuse markii fircoon loo diray dardaarankii la siiyey waxaa ka mid ahaa marka uu fircoon utago inuu ku yiraahdo hadal qaboow oo jilicsan, laga yaabo inuu waantoobo oo uu cabso. Waxa la leeyahay hadalka haloo jilciyo oo tartiib wax haloogu sheego waa fircoon oo aan ognahay gaalnimo iyo kibir heerka uu ka gaaray, Allana wuu ogaa inuus...

FADLIGA MAALINKA JIMCAHA

Maalinta jimcaha ah waa maalin barakaysan oo kulansatay wax yaabo badan oo wanaag ah, waa ciidda isbuuca, waa maalin ay qoraxi soo baxdo maalinta ugu fadliga badan, waa maalintii la abuuray nabi Aadam, waana maalintii jannada la galiyey, intaas waxaa sii dheer camalka la sameeyo maalintaas waxa uu ka ajar badan yahay kan la sameeyo maalmaha kale.  Nasiib xumo maalinta sidaas u wayn inteena badan waxa aan u aragnaa inay tahay maalin hurdo iyo nasiino, halka dadkii wanaagsanaa ay u arki jireen inay tahay fursad dahabi ah oo mudan in laga faa'idaysto.  Haddaba waa maxay sunnooyinkii Nabiga ka sugnaaday ee uu maalintaas samayn jiray?  Haddii aan uguda galo sunnooyinkii laga soo wariyey suubanaha ee maalinta jimcaha uu samayn jiray waxaa ka mid ah:  1- Salligiisa oo la badiyo Ayada oo la ogsoon yahay inay fiican tahay in mar walba labadiyo salliga Nabiga haddana maalinta jimcaha iyo habeenkeeda kuma sii jirto oo waxaa kusoo arooray fadli gooni ah, sida ku cad xadiis uu w...

DHAFARKA IYO DHIBAATOOYINKIISA

Sida aan wada ognahay dhammaanteen hadii aan dhalinyaro nahay habeenkii xilli hore ma seexanno oo waan dhafarnaa ilaa aan mararka qaar aan gaarno labada habeennimo iyo ka gadaal, ujeedka dhafarkaas wuu kala duwanaan karaa laakiin inta badan ma ahan mid faa'ido leh.  Waxaan si joogta ah habeen walba u dhax dabaalanaa muujadaha kala duwan ee baraha ay bulshadu ku kulanto, annaga oo waqtiga intiisa badan ku bixino sheekooyin aan dhammaad lahayn isla markaasna aan muhiim ahayn iyo siyaasad madhalays ah.  Hadaba hadii aan dib u milic sano noloshii suubanaha nabad iyo naxariis kor kiisa ha ahaatee waxaan arkaynaa inuu ahaa mid neceb cishaha ka hor in la seexdo, sidoo kalana wuxuu ahaa mid neceb in cishaha kadib la sheekeeyo, sida kusoo aroortay xadiis uu wariyey Abii Barzah Al-Aslami Alle haka raali noqdee.  عَنْ أَبِي بَرْزَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يَكْرَهُ النَّوْمَ قَبْلَ الْعِشَاءِ ، وَالْحَدِيثَ بَعْدَهَا. متفق عليه Ugu ...