Maalinta jimcaha ah waa maalin barakaysan oo kulansatay wax yaabo badan oo wanaag ah, waa ciidda isbuuca, waa maalin ay qoraxi soo baxdo maalinta ugu fadliga badan, waa maalintii la abuuray nabi Aadam, waana maalintii jannada la galiyey, intaas waxaa sii dheer camalka la sameeyo maalintaas waxa uu ka ajar badan yahay kan la sameeyo maalmaha kale. Nasiib xumo maalinta sidaas u wayn inteena badan waxa aan u aragnaa inay tahay maalin hurdo iyo nasiino, halka dadkii wanaagsanaa ay u arki jireen inay tahay fursad dahabi ah oo mudan in laga faa'idaysto. Haddaba waa maxay sunnooyinkii Nabiga ka sugnaaday ee uu maalintaas samayn jiray? Haddii aan uguda galo sunnooyinkii laga soo wariyey suubanaha ee maalinta jimcaha uu samayn jiray waxaa ka mid ah: 1- Salligiisa oo la badiyo Ayada oo la ogsoon yahay inay fiican tahay in mar walba labadiyo salliga Nabiga haddana maalinta jimcaha iyo habeenkeeda kuma sii jirto oo waxaa kusoo arooray fadli gooni ah, sida ku cad xadiis uu w...