Skip to main content

Posts

Showing posts from April, 2022

DHIB WAYN OO HAYSTA INTA BADAN ARDAYDA DHIGATA JAAMACADAHA OO U BAAHAN XAL IN LOO HELO!

Sanad walba jaamacadaha dalka ku yaalla waxaa ku biira arday tiradooda ay aad u badan tahay kuwaas oo doonaya inay wax ka bartaan kulliyadaha kala duwan ay jaamacadahaas bixiyaan.  Su'aasha iswaydiinta mudan ayaa ah, ardaydaas markay jaamacadaha dhameeyaan ma yihiin kuwa leh aqoontii lasoo baray mudadii ay jaamacadda dhiganayeen? Ma yihiin kuwa leh tayo fiican oo naftooda iyo dadkoodaba ku anfici kara waxa ay soo barteen?  Si aan uga jawaabno su'aalahaas waxaan u baahan nahay inaan soo ogaanno xaqiiqada ka jirta jaamacadaha dalka iyo waaqaca dhabta ah ay ardayda wax ku bartaan. Sida aan wada ognahay ardayda dhigata jaamacadaha marka ay bilaabaan semester cusub waxaa loo qaybiyaa kooxa kooxo (Groups), koox walba waxa ay iska dhax doorataa qof hogaamiye u noqda (Group Leader), ujeedka laga lee yahay samaynta kooxahaas ayaa ah inay ardayda iskaashadaan oo ay isla qaybsadaan culayska shaqooyinka iyo waajibaadka loo diro, balse nasiib xumo arinku sidaas ma ahan!  Waxaa hubaal ...