Skip to main content

DHIB WAYN OO HAYSTA INTA BADAN ARDAYDA DHIGATA JAAMACADAHA OO U BAAHAN XAL IN LOO HELO!


Sanad walba jaamacadaha dalka ku yaalla waxaa ku biira arday tiradooda ay aad u badan tahay kuwaas oo doonaya inay wax ka bartaan kulliyadaha kala duwan ay jaamacadahaas bixiyaan. 

Su'aasha iswaydiinta mudan ayaa ah, ardaydaas markay jaamacadaha dhameeyaan ma yihiin kuwa leh aqoontii lasoo baray mudadii ay jaamacadda dhiganayeen? Ma yihiin kuwa leh tayo fiican oo naftooda iyo dadkoodaba ku anfici kara waxa ay soo barteen? 

Si aan uga jawaabno su'aalahaas waxaan u baahan nahay inaan soo ogaanno xaqiiqada ka jirta jaamacadaha dalka iyo waaqaca dhabta ah ay ardayda wax ku bartaan.

Sida aan wada ognahay ardayda dhigata jaamacadaha marka ay bilaabaan semester cusub waxaa loo qaybiyaa kooxa kooxo (Groups), koox walba waxa ay iska dhax doorataa qof hogaamiye u noqda (Group Leader), ujeedka laga lee yahay samaynta kooxahaas ayaa ah inay ardayda iskaashadaan oo ay isla qaybsadaan culayska shaqooyinka iyo waajibaadka loo diro, balse nasiib xumo arinku sidaas ma ahan! 

Waxaa hubaal iyo xaqiiqo ah shaqooyinka ardayda loo diro (Activities) inay wax badan ka muhiimsan yihiin kana wax tar badan yihiin casharadda ay ardaydu sida caadiga ah u qaataan, waxaana ka mid ah faa'iidooyinka tirada badan ee laga helo kuwaan hoos ku qoran:

Kobcidda maskaxda ardayga iyo helidda aqoon dheeri ah.

Mar walba oo uu ardaygu isku taxalujiyo inuu soo qabto shaqooyinkii loo diray sida haddii ay noqon lahayd inuu internet-ka wax kasoo baaro iyo wixii la mid ah waxaa kordhaya garaadkiisa aqooneed, sababtoo ah internet-ka waxa uu ka helayaa macluumaad badan oo la xariira waxa uu baarayo.

Fahmidda iyo la jaanqaadidda technology-yada.

Waxaa ardayga u fududaanaysa inuu fahmo technology-yada oo ah halka uu maanta aduunka usii weeycanaayo, sida inuu fahmo qaabka loo adeegsado Computer-ka, kaas oo aan ognahay muhiimada iyo miisaanka uu u lee yahay ardayda, hadii ay noqon lahayd qaabka wax loogu qoro, qaabka internet-ka wax looga daalacdo iyo wixii la mid ah.

Kobcidda hab qoraalka ardayga.

Mar walba uu ardaygu sameeyo cilmi baaris waxaa hormaraya hab qoraalkiisa, wuxuuna fahmayaa shuruucda iyo hab raacyada uu qoraalku lee yahay.

Hadaba marka la sameeyo kooxaha aan soo sheegay ee shaqo la isku diro, sida in mowduuc hebal lasoo baaro (research), ama in wax lasoo jeediyo (Presentation) waxaa inta badan 99% dusha saarta dhammaan shaqooyinka la isku diray qofka hogaamiyaha ah, asaga ayaa soo diyaariya kadibna shaqadii oo lasoo qabtay ayaa loo keenaa kooxda inteeda kale. Marka laga reebo halkaas qof ee wax soo qabtay inta kale waa ku dulnoolayaal waana magac u yaal oo wax shaqo ah ma qabtaan.

Kasoo qaad fasal walba inuu ka kooban yahay 50 arday, u qaybi 5 kooxood oo koox walba ay ka kooban tahay 5 qof, waxay noqonaysaa fasalku inuu yeesho 10 kooxood, koox walba sidaan horay usoo sheegay waxay leedahay hogaamiye, taas oo la macno ah inuu fasalku yeesho 10 hogaamiye. 

10 kaas hogaamiye ee aan horay kusoo xusay inay yihiin kuwa inta badan qabta shaqooyinka loo diro kooxaha, matalaadda ay fasalka ku leeyihiin marka loo fiiriyo tirada guud ee ardayda waa 20%. Hadaba tirada soo hartay oo ah 80% waxa ay noqonayaan magac uyaal, door kuma lahan kamana qayb qaataan howlaha muhiimka u ah ee la isku diray, waana kuwa had iyo jeer dhibanayaasha ah ee aan is ogayn lanana ogayn ee igu kalifay inaan qoro qormadaan.

MAXAA KA DHALAN KARA?

Ardayga marka uu iska indha tiro kana qayb qaadan waayo shaqooyinka la isku diro waxaa dhacaysa muddo kadib marka uu jaamacadda dhameeyo inuu noqdo qof aan lahayn wax xirfad ah iyo aqoon wayn oo la taaban karo, sidoo kale waxa uu ka caaganaan doonaa dhammaan faa'idooyinkii aan kor kusoo sheegay.

Waxaa dhacaysa hadana jirta in la arko qof jaamici ah oo shahaado jaamacadeed wata hadana aanan aqoonin wax yaabaha asaasiga ah ee la rabo qof walba oo jaamacad soo dhigtay inuu yaqaanno.

TALO BIXIN

Hadii aad tahay arday hadda dhigta jaamacad fursadna aad u heshay inay kusoo gaarto qormadaan, fadlan naftaada ku kalsoonoow iskuna day inaad qabato shaqa walba ee laguu diro, waxaa ku jira dantaada iyo hormarka naftaada.

Comments

Popular posts from this blog

Diintu waa nasteexo!

Wanaagga oo la is faro iyo xumaanta oo la iska reebo waa wax fiican, waana waajib la rabo qof  walba oo muslim ah inuu la yimaado. Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaga oo isleh xumaan reeba ama wanaag sheega ayay wax badan halaynayaan, waxay arkayaan qof ay wax ka qaldan yihiin ayaga oo awoodi kara inay si hoose wax ugu sheegaan ayaa comment inta loo soo galo loo qorayaa qoraallo aan wanaagsanayn oo qofkii xumaanta inuu kusii dhiirado u horseedaya. Waxaa iswaydiin mudan hadalada nuucaas ah qofka wax maku qaadanayaa mise madax adeeg iyo xumaan ayuu kasii qaadayaa? Dadka nuucaas ah ma wanaag bay gudbiyeen mise xumaan bay xumaan kusii daraan? Nabi Muuse markii fircoon loo diray dardaarankii la siiyey waxaa ka mid ahaa marka uu fircoon utago inuu ku yiraahdo hadal qaboow oo jilicsan, laga yaabo inuu waantoobo oo uu cabso. Waxa la leeyahay hadalka haloo jilciyo oo tartiib wax haloogu sheego waa fircoon oo aan ognahay gaalnimo iyo kibir heerka uu ka gaaray, Allana wuu ogaa inuus...

FADLIGA MAALINKA JIMCAHA

Maalinta jimcaha ah waa maalin barakaysan oo kulansatay wax yaabo badan oo wanaag ah, waa ciidda isbuuca, waa maalin ay qoraxi soo baxdo maalinta ugu fadliga badan, waa maalintii la abuuray nabi Aadam, waana maalintii jannada la galiyey, intaas waxaa sii dheer camalka la sameeyo maalintaas waxa uu ka ajar badan yahay kan la sameeyo maalmaha kale.  Nasiib xumo maalinta sidaas u wayn inteena badan waxa aan u aragnaa inay tahay maalin hurdo iyo nasiino, halka dadkii wanaagsanaa ay u arki jireen inay tahay fursad dahabi ah oo mudan in laga faa'idaysto.  Haddaba waa maxay sunnooyinkii Nabiga ka sugnaaday ee uu maalintaas samayn jiray?  Haddii aan uguda galo sunnooyinkii laga soo wariyey suubanaha ee maalinta jimcaha uu samayn jiray waxaa ka mid ah:  1- Salligiisa oo la badiyo Ayada oo la ogsoon yahay inay fiican tahay in mar walba labadiyo salliga Nabiga haddana maalinta jimcaha iyo habeenkeeda kuma sii jirto oo waxaa kusoo arooray fadli gooni ah, sida ku cad xadiis uu w...

DHAFARKA IYO DHIBAATOOYINKIISA

Sida aan wada ognahay dhammaanteen hadii aan dhalinyaro nahay habeenkii xilli hore ma seexanno oo waan dhafarnaa ilaa aan mararka qaar aan gaarno labada habeennimo iyo ka gadaal, ujeedka dhafarkaas wuu kala duwanaan karaa laakiin inta badan ma ahan mid faa'ido leh.  Waxaan si joogta ah habeen walba u dhax dabaalanaa muujadaha kala duwan ee baraha ay bulshadu ku kulanto, annaga oo waqtiga intiisa badan ku bixino sheekooyin aan dhammaad lahayn isla markaasna aan muhiim ahayn iyo siyaasad madhalays ah.  Hadaba hadii aan dib u milic sano noloshii suubanaha nabad iyo naxariis kor kiisa ha ahaatee waxaan arkaynaa inuu ahaa mid neceb cishaha ka hor in la seexdo, sidoo kalana wuxuu ahaa mid neceb in cishaha kadib la sheekeeyo, sida kusoo aroortay xadiis uu wariyey Abii Barzah Al-Aslami Alle haka raali noqdee.  عَنْ أَبِي بَرْزَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يَكْرَهُ النَّوْمَ قَبْلَ الْعِشَاءِ ، وَالْحَدِيثَ بَعْدَهَا. متفق عليه Ugu ...