Hadii aan nahay ilma nabi Adam dhammaanteen waxaan ku hoos nool nahay naxariista alle iyo asturkiisa, ma jiro qof naga mid ah oo aan qaldamin, qof walba waxaa u qarsoon kayd madoow oo qaladaad iyo gafaf ah, hadii qof walba waxa uu sameeyo oo xumaan ah loo qaban lahaana lama noolaadeen.
Bal suurayso hadii ay xumaantu lahaan lahayd ur ama astaan u gaar ah ee qofku markuu xumaan sameeyo lagu garto, soo noloshu ma adkaateen?
Waxaa foolxumo iyo xishood la'aan ah in adigoo xumaan iyo danbi sameeyey alle uu ku asturo, kadibna asturkii ilaahay ku saaray aad iska feedo oo xumaantii iyo foolxumadii aad samaysay dadka uga sheekayso!
Dadka qaar waxaad arkaysaa dhalin yaradaba ha ugu badnaadeene oo ku faanaya waxa ay sameeyeen oo xumaan iyo qurun ah (Xalay waxaas iyo waxaas ayaan sameeyey, heblaayo xalay waxaas iyo waxaas ayaan ku sameeyey), bal maxay u sheegsheegayaan oo isku kashifayaan may iska aamusaan?!
Waxaa jira xadiis uu Abii-Hurayra nabiga ka wariyey naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee oo macnihiisu ahaa: (Dhammaan umadeeda waa la cafiyey ilaa kuwa xumaanta la jahro oo ismuujiyo ma ahane, xumaanta oo lala jahrana macnaheedu waxa weeyaan inuu qofku habeenkii camal xun sameeyo, kadibna uu alle asturo oo u ceeb qariyo, kadibna marka uu waaga u baryo uu asturkii alle iska qaado xumaantii uu sameeyeyna uu ka sheekeeyo, hebaloow xalay waxaan sameeyey waxaas iyo waxaas).
Waa hubaal inaad gafayso oo qaldamayso laakiin waxa aad samayso oo xumaan iyo danbi ah intay rabaan hala ekaadeene haku faanin oo qofna ha u sheegin, ha iska qaadin asturka alle oo qari inta aad qarin karto.
Comments
Post a Comment