Wanaagga oo la is faro iyo xumaanta oo la iska reebo waa wax fiican, waana waajib la rabo qof walba oo muslim ah inuu la yimaado. Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaga oo isleh xumaan reeba ama wanaag sheega ayay wax badan halaynayaan, waxay arkayaan qof ay wax ka qaldan yihiin ayaga oo awoodi kara inay si hoose wax ugu sheegaan ayaa comment inta loo soo galo loo qorayaa qoraallo aan wanaagsanayn oo qofkii xumaanta inuu kusii dhiirado u horseedaya. Waxaa iswaydiin mudan hadalada nuucaas ah qofka wax maku qaadanayaa mise madax adeeg iyo xumaan ayuu kasii qaadayaa? Dadka nuucaas ah ma wanaag bay gudbiyeen mise xumaan bay xumaan kusii daraan? Nabi Muuse markii fircoon loo diray dardaarankii la siiyey waxaa ka mid ahaa marka uu fircoon utago inuu ku yiraahdo hadal qaboow oo jilicsan, laga yaabo inuu waantoobo oo uu cabso. Waxa la leeyahay hadalka haloo jilciyo oo tartiib wax haloogu sheego waa fircoon oo aan ognahay gaalnimo iyo kibir heerka uu ka gaaray, Allana wuu ogaa inuus...
Hadii aan nahay ilma nabi Adam dhammaanteen waxaan ku hoos nool nahay naxariista alle iyo asturkiisa, ma jiro qof naga mid ah oo aan qaldamin, qof walba waxaa u qarsoon kayd madoow oo qaladaad iyo gafaf ah, hadii qof walba waxa uu sameeyo oo xumaan ah loo qaban lahaana lama noolaadeen. Bal suurayso hadii ay xumaantu lahaan lahayd ur ama astaan u gaar ah ee qofku markuu xumaan sameeyo lagu garto, soo noloshu ma adkaateen? Waxaa foolxumo iyo xishood la'aan ah in adigoo xumaan iyo danbi sameeyey alle uu ku asturo, kadibna asturkii ilaahay ku saaray aad iska feedo oo xumaantii iyo foolxumadii aad samaysay dadka uga sheekayso! Dadka qaar waxaad arkaysaa dhalin yaradaba ha ugu badnaadeene oo ku faanaya waxa ay sameeyeen oo xumaan iyo qurun ah (Xalay waxaas iyo waxaas ayaan sameeyey, heblaayo xalay waxaas iyo waxaas ayaan ku sameeyey), bal maxay u sheegsheegayaan oo isku kashifayaan may iska aamusaan?! Waxaa jira xadiis uu Abii-Hurayra nabiga ka wariyey naxariis iyo nabad galyo korkiisa ...